Dowladda Mareykanka Oo Markale Ugu Baaqday Madaxda Soomaliya Iney Ka Dhabeeyaan Balan Qaadyadoodii Doorashada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Mareykanka Oo Markale Ugu Baaqday Madaxda Soomaliya Iney Ka Dhabeeyaan Balan Qaadyadoodii Doorashada!
February 18, 2022 - Written by Editor:

MUQDISHO (W,N) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya  ayaa Maanta markale soo saartay fariin ku socota madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Warka qoraalka ah ee kasoo Safaarada Mareykanka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaaliya iney ka dhabeeyaan balan qaadyadoodi ahaa in doorashada Baarlamaanka 11-aad ee dalka lagu soo gabogabeyn doono 25-02-2022 oo ay haatan ka hadhsan tahay 7 maalmood oo kaliya.

“Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in lagu soo dhameystiro doorashada Baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah furnaan ah 25-ka Feberaayo. Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa ama carqaladeysa hannaanka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qoraalkaan kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili isla Maanta War saxafadeed la xariiray arrimaha doorashada Soomaaliya ay soo saareen Wakiiladda Beesha Caalamka.

COMMENTS
LINKS