“Dhulku Imika Sidan Uu Ku Socdaa Si Qaranka Uwanaagsan Maaha, Si Aynu Magaalo Qurux Badan Ku Helaynana Maaha” Maayarka Caasimada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhulku Imika Sidan Uu Ku Socdaa Si Qaranka Uwanaagsan Maaha, Si Aynu Magaalo Qurux Badan Ku Helaynana Maaha” Maayarka Caasimada Hargaysa.
February 9, 2022 - Written by Editor:

“Imika Shaqada Ugu Badan Ee Golaha Deegaanka Hargaysi Qabtaan Waxaa Ugu Badan In Aanu Qalooc Danbe Galin Magaalada”Maayar Mooge.

“Wasiir Waxkasta Oo Ay Ku Kacayso In Qorshe Loo Sameeyo Magaalada Hargaysa Diyaar Baanu Unahay Saacad Kasta”Maayarka Caasimada Hargaysa.

HARGAYSA(W,N)-Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ka hadlay munaasibadii magaalooyinka dalka qaar lagu gudoonsiinayay master planekii ay wasaarada hawlaha guud iyo guryaytu usamaysay ayaa bogaadiyay maayarada magaalooyinka loo sameeyay qorshaha isagoo sheegay in ay diyaar uyihiin wakti walba sidii qorshe wasaarada hawlaha guud ugu samayn lahayd caasimada hargaysa oo uu sheegay in baahi wayn uqabto.

Sidoo kale maayarka hargaysa ayaa madaxwaynaha jsl uga mahad celiyay talaabadan ay ku dhiiratay xukuumadiisu oo sodonkii sano ee ay Somaliland jirtay aan la hirgalin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS