“Dawladnimo Shacabka U Adeegta Heli Mayno, Inta Qofka Aad Dooranaysaan Ay Idiin Dhexeeyaan Ganacsato Iyo Dilaaliin Siyaasadeed”Xil Maxamed Abiib. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dawladnimo Shacabka U Adeegta Heli Mayno, Inta Qofka Aad Dooranaysaan Ay Idiin Dhexeeyaan Ganacsato Iyo Dilaaliin Siyaasadeed”Xil Maxamed Abiib.
February 21, 2022 - Written by Editor:

Badana Inta nin danihiina u heelan oo aad doorbidayseen ay Idinka duween ragaa aan kor ku sheegay idinkuna hanuuniyeen inaad raacdaan mid ay iyagu hubaan inuu danahooda gaarka ah ee macaash u fulinayo.

Badanaa inta kuwii  shalay aad wakiilateen ee codkiina u dhiibteen Idinku ciqaabaan wixii ay iibinayeen walibana markaad dawlada la hadashaan iskaga kiin dhigaan.

Badanaa iyagoo idinle hadaan reer hebal nahay inagu hadli mayno oo midida daabkeeda inaga hayna ama inaga leh ganacsiga ugu badan ee ha raacin kuwaasi dawladana ma hayaan ganacsatana ma lehee adna aad gaajada iyo haraadka dadka ula siman tahay hadana aad ajiibtay!

Ugu yaraan sinaba uma rumaysan karno inaan hay,adeheene adeeg bixinta inoo qaabilsanaa ka wayno xog rasmiya iyo qorshayaal qoran oo aan uga qiyaas qaadano baahideena iyo siday u kala mudan yihiin.

Tusaale ahaan maanta waxay ahayd inaan xog cad ka helno hay,adaha qaranka u qaabilsan la tacaalida abaaraha iyo wixii ka  dhashay, Halka ugu biyo liidata,Halka xoolaha ugu liitaa joogaan, halka ugu liidata xaga cuntada, Halka ugu liidata xaga caafimaadka iyo wixii la mida si shacabku gurmadkooda ugu hagaajiyaan.

Suuragal maaha inaan dhibka kaga baxno maalin aan la qiiroono qof gaajo ama dulmi Adagi dibada usoo saaray!

#Inamari Aan wanaaga Doonee!

#Doonista shacabku waa xooog.

WAXA QORAY; XILDHIBAAN MAXAMED ABIIB.

 

COMMENTS
LINKS