|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Taiwan Oo 500,000$ Ugu Deeqay Gurmadka Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee Reer Somaliland.
February 21, 2022 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, ayaa safiirka waddanka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaadhaan lacageed oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen. Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou, waxana uu madaxweyne-ku-xigeenku uga mahadnaqay dawladda Taiwan tallaabada lexejeclada leh ee ay u muujisay shacabka reer Somaliland. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaanba dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay ku daydaan dalka Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo dalka Somaliland ka mid ah. Related posts:Sahamiye Foundation Oo Deeq lacageed ( $161,700 ) Gaadhsiiyay Haweenkii Ku Waxyeeloobay Gubashadii S... DAAWO; Muwaadin Reer Somaliland Oo ka Cabanaya Agaasimaha HCTV Ayaa Sheegay In dhamaan laamaha Daw... Haweenka Iyo Dhalinyarada Magaalada Gabiley Oo Taageero Balaadhan Umuujiyay Musharixiinta Maxamed Ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|