Dawlada Maraykanka Oo Sheegtay Inay Xannibaad Kusoo Rogayso Masuuliyiinta Somaaliya Ee Ku Lugta Leh Dib Udhaca Doorashada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Sheegtay Inay Xannibaad Kusoo Rogayso Masuuliyiinta Somaaliya Ee Ku Lugta Leh Dib Udhaca Doorashada!
February 26, 2022 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku Soo rogayso xannibaado ka dhan ah fiisaha tiro ka mid ah Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale ee ku lugta Leh dib u dhaca ku yimid doorashada.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dib u dhaca  Gabagabada doorashada Soomaaliya ay horseedayso xasilooni darro siyaasadeed oo khatar ku ah guulaha laga gaaray amniga, iyo horumarka dhaqaalaha.

“Ka dib markii lagu guul daraystay in doorashada la qabto waqtigii ay ku beegnayd 25-ka bishan February, si loo dhamaystiro doorashada golaha wakiilada, ayaa dowladda Maraykanka waxay masuuliyiinta ku lug leh kusoo rogaysaa xannibaad ka dhan ah fiisaha siyaasadeed,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Maraykanka waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loosoo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay qiimeyn doonto tallaabooyin dheeraad ah si kor loogu qaado isla xisaabtanka iyo  taageerada geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

COMMENTS
LINKS