Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In La Dhisayo Jid Tareen Oo Isku Xidhaya Somaliland Iyo Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In La Dhisayo Jid Tareen Oo Isku Xidhaya Somaliland Iyo Itoobiya.
February 13, 2022 - Written by Editor:

“Dawlada Faransiiska Waxa Ay Dhisaysaa Tareen Ku Xidha Itoobiya Dekeda Berbera” Madaxa Khadka Tareenka Itoobiya Behailu Sinteyahu.

Behailu Sinteyahu, oo ah Ku- Xigeenka Madaxa Tareenka Itoobiya ( Ethiopian Railway Corporation ),ayaa sheegay in Itoobiya aanay ku filnayn dekeda Djibouti oo kaliya, ayna doonayaan in la sameeyo tareen isku xidha Dekeda Berbera iyo Itoobiya inteeda kale.

Waraysi, uu shalay siiyey Bahailu Sinteyahu, Ashenafi Endale, oo u shaqeeya The Reporter, ayaa waxa uu ku sheegay in ay la socodsiiyeen xukuumada Somaliland, baahida loo qabo tareen u kala goosha Berbera iyo magaalooyinka Itoobiya.

Madaxa khadka tareenka Itoobiya, Behailu Sinteyahu ayaa waraysiga ku sheegay in dawlada Faransiiska ay balan qaaday dhismaha tareen casri ah, kaas oo Dekeda Berbera ku xidhi doona gudaha dhulweynaha Itoobiya.

” Ogolaanshaha Somaliland ayaa loo baahanyahay, si loo sameeyo daraasad buuxda, laakiin waxa jira calaamado wanaagsan oo muujinaya in Somaliland dhinacooda ay dhamaystiri doonaan” ayaa uu yidhi Behailu Sinteyahu, oo waraysiga siinayay wariyaha The Reporter,Ashenafi Endale,Sabtidii February 12.

Waxa kale, oo uu sheegay Behailu in Bangiga Horumarinta Afrika ( African Development Bank ), ay balanqaadeen lacagta ku baxaysa tareenka isku xidhi doona Berbera iyo Itoobiya.

Waxa kale, oo uu sheegay Behailu in ay jiraan dadaalo dibloomaasiyaseed, kuwaas oo lagu xaqiijin doono ogolaanshaha Somaliland.

Jidadkan ayaa isku xidhi doona dekeda Berbera, iyo marinada dhaqaale ee Itoobiya.

The Reporter, oo weydiiyey Behailu, wakhtiga tareenka hirgalintiisa la bilaabayo, ayaa waxa uu sheegay in marka daraasada tareenka la dhameeyo, in markaas mashruucan uu hirgali doono.

XIGASHO; AXMED AADAN.

 

COMMENTS
LINKS