Dab Ka Kacay Guri Jiingad Ah Oo Ku Yaala Magaalada Boorama Oo Sobobay Dhimashada 2Caruur ah Oo Walaalo Ah Iyo Dhaawaca Laba kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dab Ka Kacay Guri Jiingad Ah Oo Ku Yaala Magaalada Boorama Oo Sobobay Dhimashada 2Caruur ah Oo Walaalo Ah Iyo Dhaawaca Laba kale.
February 5, 2022 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N):-Alle Ha,Unaxariistee laba caruura oo walaalo ah ayaa ku dhintay, halka laba kalena ku dhaawacmeen dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala agagaarka Madaarka Boorama ee degmada Sheekh Cismaan.

Ciidanka Dab-demiska Boorama oo goobtaas gaadhay ayaa gurmad u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna la sameeyay samatabixinta iyo in maydka laga soo saaro guriga.

Labada caruur ah ee dabka ku dhintay ayaa kala ahaa :

Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo 3 Sanno jirtay iyo Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bilood jirtay.Halka labada dhaawaca ah ay kala ahaayeen Muxumed Sheekh Muuse oo 5 sanno jiray iyo Khaalid Sheekh Muuse oo 8 sanno jiray.

Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana dhaawacii iyo dhimashadii la gaadhsiiyay cisbitaalka.

COMMENTS
LINKS