DAAWO;-Ganacsato Maryan Dirir Jaamac Oo Gudaha Somaliland Ka Taageeraysa Farmaajo Iyo Xaqiiqada Tacadi Ay Sheegtay In Loogu Gaystay Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Ganacsato Maryan Dirir Jaamac Oo Gudaha Somaliland Ka Taageeraysa Farmaajo Iyo Xaqiiqada Tacadi Ay Sheegtay In Loogu Gaystay Magaalada Wajaale.
February 4, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ganacsato Maryan Dirir Jaamac oo ah gabadh reer laascanood ah dhawaana Warbaahinta ka sheegtay in tacadi iyo cunsuriyad loogu gaysto magaalada wajaale ee xuduudka Somaliland iyo itoobiya marka ay soo marayaan khudaar ay ka keento dalka itoobiya ayaa kamid ah dadka maamulka madaxwaynaha somaliya ka taageera gudaha Somaliland iyadoo warbaahintu heshay iyadoo madaxda maamul goboleedyada punthland iyo juballand ku dhaliilaysa diidmada ay kaga soo horjeesteen madaxwaynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee farmaajo.

Hadaba ganacsato maryan oo ka cabaynaysa magaalada wajaale ayaa waxay hadal hayn badani ka dhalatay taageerada iyo ololaha ay ugu jirto madaxwayne aan ka talin deegaanada ay kazoo jeeda iyo xidhiidhka ka dhexeeya fadeexadaynta Somaliland ee magaalo ganacsiyeedka wajaale oo ah magaalo Somali oo dhami si siman uga wada ganacsato.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MARYAN OO TAAGEERAYSA FARMAAJO IYO CABASHADEEDA WAJAALE;

COMMENTS
LINKS