|
|||||
WAJAALE NEWS
Bandhiga Buuga Hiil Bare Oo Caawa Lagu Qabtay Magaalada Gabiley Iyo Masuuliyiin Tiro Badan Oo Kasoo Qaybgalay.
February 25, 2022 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Munaasibad Si heer Sare ah, Loo soo Agaasimey oo Lagu Qabtay magaalada gabiley ayaa caawa lagu soo Bandhigay Buuga Hiil Bare taasi oo lagu qabtay maktabada qaran ee magaalada gabiley.
Waxaana munaasibadan Kasoo Qeyb Galey Masuuliyiin Tiro badan, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada, Iyo Xildhibaano Ka Kala Socdey Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada),
Buugan ayaa waxaa qoray macalin Farxaan Muxumed taasi op xanbaarsan macluumaad muhiim u ah bulshada reer Somaliland. Sidoo kale waxaa munaasibada kazoo qaybgalay Maamulka Gobolka Gabiley, Maamulka Golaha Deegaanka Maayarka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Ururada Bulshada Rayidka ah, Saxafiyiin, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Timacade Universty, Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiyada Sare ee Gabiley, Dugsiya hoose Dhexe, Dhalinyarada iyo Bulshada Gobolka Gabiley iyo Marti Sharaf Kale oo Tira badan.
Related posts:Daawo:Axmed Muumin Seed Oo Waxba Kamajiraan Ku Tilmaamay Xilka Xayuubin Iyo Ka Tirtiris ay Sheegeen ... DAAWO;-Odayaasha & Waxgaradka Beelkamida Beelaha Degmada Tog Wajaale Oo Raali Galin Ka Bixiyay fal ... Qoysaskii Ka Soo Barakacay Colaada Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool oo Ka Dayriyay Xaaladooda Nolole... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|