Agaasimaha G, Ee Wasaarada Warfaafinta Oo Albaabada Iskugu laabay Qaybtii Af Carabiga Ee Tvga Qaranka Jsl Iyo Cunsuriyada Uu Ukala Kacay Shaqaalihii Ka Hawlgalayay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha G, Ee Wasaarada Warfaafinta Oo Albaabada Iskugu laabay Qaybtii Af Carabiga Ee Tvga Qaranka Jsl Iyo Cunsuriyada Uu Ukala Kacay Shaqaalihii Ka Hawlgalayay.
February 22, 2022 - Written by Editor:

Waxaa Nasiib daro ah in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil uu albaabada iskugu dhuftey Waaxdii Afka Carabiga Telefishanka Qaranka Jsl, iyada oo ay dul hoganayaan inay fadhido Qaybtii Afka Egiriisiga Telefishanka Qaranka Jsl ayaa waxa uu gacantiisa ku xidhey Waaxdii Afka Carabiga Telefishanka Qarranka JSL.

Tacadiyada, kala qaybinta iyo cunsuriyada uu wasaarada warfaafinta ka dhex wado agaasime maxamed yuusuf ayaan ku koobnayn in uu qaybo kamid ah televisionka qaranka xidho kuwaasi oo muhiim u ahaa dalka ayna ugu horayso qaybii afka carabiga ku hadli jiray ee tvga taasi oo aanay jirin sobob uu u cuskaday xidhitaankiisu.

Anigoo Ah Suxufi Mustafe Axmed Samakaab kana shaqeynayay Telefishanka Qarank jsl mudo ka badan 7 sanadood mushaharna Aan ka qaadan jirin Telefishanka qaranka kana shaqeynayay Qaybta Carabiga iyo Qaybta Soomaaliga Telefishanka Qaranka jsl markii aan xaqeyga waydiistay Dg Maxamed yuusuf ismaaciil waxa uu isku dayay inuu xaqeyga Aaso isagoo shaqadii aan Telefishanka Qaranka ka hayay gabi ahaanba iga joojiyey markii dambena Amar ku bixiyey inaanan wasaarada warfaafinta soo gali karin iyadoo u jeedadiisu tahay sidii uu u dafirilahaa xaqeygaasi aan ku leeyahay Qaranka,

isagoo sidoo kale igu tix gelin shaqadaasi aan qaranka mudada dheer usoo hayay, waxaan cadeynayaa islamarkaasina warfidiyeenka usoo bandhigayaa qaybihiisa kala duwan inaan warbaahinta la wadaagi doono, dagaalka, musuq-maasuqa uu dhalinyarada shaqaalaha ah ku hayo Dg Maxamed Yuusuf ismaaciil waxaanu isticmaalayaa Amar ku taaglayn Awood dawladeed Amar ku taagleyntaasi oo uu maalin dhaweydna gabi ahaanba ku xidhey Qaybtii Afka Carabiga Telefishanka Qaranka Jsl.

Qore suxufi; Mustafe Axmed Samakaab.

Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS