|
|||||
WAJAALE NEWS
“Xukuummadda Madaxweynaha Xilkiisu Dhammaanayo Ee Muuse Biixi, Waxa Ay Caado & Dhaqan Ka dhigatay Cabudhin, Cago-juglayn Iyo Cadaadis Joogta Ah” Musharax Cirro.
January 12, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro ayaa markale eedo Culus ujeediyay madaxwayne biixi oo uu ku eedeeyay in uu ka talaabsaday xaydaabkii sharci ee dalka kuna kacay cabudhin iyo cago juglay uu shacabka ku hayo waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa Sidan; “Xukuummadda Madaxweynaha Xilkiisu Dhammaanayo ee Muuse Biixi, waxa ay caado & dhaqan ka dhigatay cabudhin, cago-juglayn iyo cadaadis joogta ah, oo ay u geysanayso dhammaan muwaadiniinta heer kasta oo ay yihiin. Abwaanno, jilayaal, qoraayo, weriyayaal, macalimiin, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoorka kale ba in la cabudhiyo, la xidho, la argagixiyo, xuquuqaadkooda lagu tunto; mushaaharaadkii ay xaqa u lahayeen laga goosto iyo in shaqooyinka laga caydhsho. Soomaalidu waxa ay lee yihiin murti tidhaahda, “Islaantii indho-la’aan ma ku ogayd, dad cunnimana ku darsatay”. Xukuummadda Muuse, waxa ay bilowday xaajo ugub ah, oo dimuuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlkaba ku ah gef weyn; waa in Guddoomiye Xisbi Mucaarad looga yeedho Xarunta Dambi-baadhista(CID), iyada oo looga gol lee yahay in la is hortaago baraarugga bulshada iyo doonista shacabka, ee is beddelka, oo is gaadhay dhammaan Gobollada Dalka. Isku daygaas Xukummadda Muuse ku beegsanayso Xisbiyada Mucaaraadka, waxa ugu dambeeyey isku daygii ka dhacay magaalada Burco, ee Xarunta Gobolka Togdheer. Isku day lagu doonayey in laga hor istaago Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo anniga oo ah Murashax Madaxweybe in ay la kulmaan bulshada magaalada Burco, ee is beddelka u oomman. Waa ayaan darro weyn in Muuse baabi’yey karaamadii iyo haybaddii hay’adaha Dowladnimada iyo laamihii ammaanka, oo uu ka dhigay kuwo lagu beegsado shacabka qeybihiisa kala duwan, Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaraadka ah hoggaankooda. Muuse waa uu ogyahay in uu ku ololeeyey sarreynta sharciga, waana og yahay in sharci darrada iyo ka tallaabista xayndaabka dawladnimada ay horseed u noqon karto fowdo iyo amni darro Somaliland aanay maanta u baahnayn, Muusow’ Ciidamadu waa kuwa amnigeenna suga, waa kuwa cadowga innaga ilaaliya, ha siyaasadeyn Ciidanka.Musharax cabdiraxmaan cirro. Somaliland ha waarto. Related posts:Wada Hadaladii U Socday Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Si Rasmi ah Saaka Uga Furmay Dalka Jabuu... Haayada Shaqaalaha Jsl Oo Shaacisay In La Joojinayo Nidaamka Xaadiriska Shaqaalaha Ee Finger Printan... Gudida Qaban Qaabada Aaska Sheekh Aadansiiro Oo Shaaciyay Wakhtiga La Keenayo Maydkiisa Iyo Goobta L... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|