|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Sax Maygaag Ee Gobolka Sool.
January 2, 2022 - Written by Editor:LAASCANOOD(W,N)-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland oo ay weheliyaan maamula gobolka sool ayaa caawa ka hadlay dagaal laba beelood maanta ku dhexmaray deegaanka sax maygaag oo katirsan gobolka sool kaasi oo sobobay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wasiirka arimaha gudaha oo ka hadlayay dagaal dhexmaray maleeshiyaad beeloodyo laba beelood kaasi oo udhexeeya Somaliland iyo maamul goboleedka punthland ayaa sheegay in sidii loo damin lahaa dagaalka uu kala xidhiidhay wasiirka arimaha gudaha maamul goboleedka punthland. Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin ayaa cadeeyay in aanay ciidamada Somaliland dhan ka ahayn dagaalkan aynu ku baaqayso in la joojiyo isagoo sheegay inย maamulka punthland ka wada shaqaynayaan sidii colaadan loosoo afjari lahaa. Dhanka Kale wasiirka arimaha gudaha ayaa ka waramay sida Somaliland uga xun tahay dagaalkan ismarkaana labada dhinac ugu baaqay in la joojiyo dagaalka. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Daawo:Baabuuurtii Dawlada Oo Laga Furay Taarikadii Cagaarka Ahayd,Hantiboob Laga Cabsi Qabo Iyo Ciid... ๐ ๐จ๐ซ๐จ๐จ ๐ฆ๐ข๐ข ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐ก๐๐ฌ๐๐ ๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐๐ ๐ฅ๐๐๐ฆ๐๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐ ๐๐๐ ๐จ๐๐๐ ๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข ๐๐ ๐๐๐๐ฆ-๐๐๐๐ก๐ข๐ข๐ ? Maamul Goboleedka Puntland Oo Beenisey Inay Raalli Gelin Siisey Madaxweynaha Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |