|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Farta Ku Go,dani, Waxey Ka Muuqataa Duruufta Iyo Dhawaaqyada Tabashada Shaqaalaha!
January 28, 2022 - Written by Editor:Inkastoo, laga Deyrinayay Habdhaqanka Warbaahineed, ee Qoddobada Badelay, Barnaamijyadii hore ee Xukuumadihii Kala Dambeeyay, Xiliyada Xasaasiga ah u Isticmaali Jirtey Warbaahinta Dawladda Sida Mawduucyadii Waji Ku Macaash La baxey Haddana, Waxa Marar Badan, dibada usoo Baxey Cabashada Qeylo dhaanta ah, ee Kasoo Yeedhay Qaar Kamid ah Hawlwadeenadda, oo Cabshadooda Jawaab Looga Dhigey Talaabo aan Waafaqsanayn Xuquuqdooda Aasaasiga ah. Haddaba hadalhaynta Fashilaada Ka dhalatey, Mid Kamid ah Bahda Talafishanka Qaranka ee Duubista Wararka, Barnaamijyadda iyo Dhinaca Farsamada oo Qeyb ka ah Hawsha ugu adag ee Dhinaca Warbaahinta, ayaa Daaha Ka feyday dhug La,aanta Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland, oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaaradda Saleebaan Cali Koore, iyo Agaasimaha Guud, oo Xiligan Habdhaqankoodu u badan Yahey in aanney Masuuliyad Iska Saarin Guud ahaanba Bahda Sida Tooska ah u Wadda Hawsha iyo Shaqada Wasaaradda. Saxafiga, ay in badani Wada garanayso islamarkaana, Daacada u ah Warbaahinta Dawladda, Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye Cabdiwaasac Maxamed Jaamac oo ku magac dheer(Khuum), Waxaa Layaab Ku Noqotey Dad badan oo Saxafiyiin iyo Bulshada kaleba ah in Wasaaraddu, Ka Duudsido Xuquuqda uu Ku Leeyahey iyo Hawshii uu Mutadawaca ku ahaa, ee aannu Gunno iyo Gaws Qabad Fiican ku Qabin isagoo Dareenkiisa Ku Cabirey in uu u adkeysan Waayay Shaqada uu Qabtey Culayska ay laheyd iyo Duruufta Shakhsiga ah, ee Fara madhnaani ka Dhawaajisay, iyadoo Xaaladaasi Tusaale u ah in Boqolaal Kujira Liiska Wasaaradda ee Musharku ay Cabsi Awgeed uga Hadli Kari Laayihiin Dhacdadan oo Kale. Sikasta, oo ay Tahey Farta Ku Go,dan Wasaaradda Warfaafinta iyo Duruufaha haysta Hawlwadeenada Guud ahaan ayaa ah Mid aanney Is dabooli Karreyn Fagaare ka hadalka Wasiirka Saleebaan Cali Koore iyo habdhaqankiisa Shaqaalaha itaalka Yar ee Wasaaradda. Marka aad Si Aragti Fog ah, ugu Fiirsato, Culayska iyo Duruufta ka Muuqata Guud ahaanba Wariyayaasha iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta Waxaad Dareemaysaa in aan Maamulka Sare ee Wasaaraddu Dan Ka laheyn hoosna u eegin, Xaalada ay Ku jiraan iyo Hawsha ay hayaan Walow Xukuumada Somaliland Guud ahaan ka tixgaliso Warbaahinta Dawladda Tan Maxaliga ah, Waxaa Mudadii Xukuumadani talada haysay, ay Bahda Talafishanka Qaranka iyo Kuwa Idaacadu si aad ah usoo Dhaweeyeen Agassimihii Guud ee hore Mukhtaar, oo ay Ku Majeerteen in uu Xil gaar ah iska Saarey Guud ahaanba Shaqalaaha Kala duwan Laakiin hadda Taa Waxay waxweyni iska Badeleen, iyadoo ay Layaab Leeyihiin Qeybaha Bulshada ee Canaanaya Isuduwe Gobol, iyo Wariyayaal Gobol labadaba, Kuwaas oo aan Marna Ku Dhicin in ay Hadlaan. Faaladii; suxufi cabdiraxmaan Hiiraan. Hargaysa Somaliland. Related posts:Maamulka Cusub Ee Degmada Geedbalaadh Oo Xilkii La Wareegay Iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley Oo Ka ... Dawlada Iran Iyo Ururka Xisbulah Oo Si Adag Uga Jawaabay Dilkii Maraykanku kula kacay Taliyihii Ciid... Wasiirka Biyaha Oo Xilalkii U Kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Iyo Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|