|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Dalacsiiyay Askar Gaardi Cajiib Ah Kaga Qayb Qaatay Isku Soo Bixii Shacabku Ku Taageerayeen Qadiyada Somaliland.
January 22, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL General Maxamed Aadan Saqadhi ayaa Maanta Dalacsiiyey 5 Askari Oo ka mid ciidankii maanta sugaayay Amaanka Shacbigii ku banaan baxaayay Beerta Xoriyada. Taliyaha ayaa Dalacsiintan uu Dalacsiiyay Ciidanka ku sababeeyay kadib markii ay guteen wajibkogii isla markaana sugeen Amaankii goobta ay si dareen muwaadinimo leh kula dabaal dageen Shacbigoogii. Ciidankan ayuu Taliyuhu Dalacsiiyay min Hal Darajo marka laga Reebo K/k 5638 Cabdirashiid Jaamac Cawad oo uu Dalacsiiyay Laba Darajo . Ciidankan ayaa ka tirsanaa Qaybta Galbeedka Hargeisa gaar ahaan Saldhiga Dhex Halka askariyad kalana ka Tirsantahay Ciidanka Dawalada Hoose Hargeisa Ciidanka La Dalacsiiyay K/k Cabdirashiid jama Cawad L/Ale Sagal Cabdilaahi Xuseen L/Ale Ayaan baashe Maxamuud L/Ale Cabdi Asker Mahamed D/le Mukhtaar Ibraahim Jabrill. Related posts:Golaha Wakiilada Oo Ka Horyimid Xeerka Ismaamulka Gobolada Ee Guurtidu Waxka Badela Ku Samaysay + Ti... Mid ka Mid ah Saraakiishii Siyaad Barre Ee ku Eedeysan Xasuuqii loo Geystay Shacabka Somaliland Oo F... Daawo:Gudoomiye Muuse Biixi Oo Qiray In Warbaahinta Lagaga Horeeyo Xisbigiisa Weerar Afka ahna Ku Qa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|