|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Mawliid.
January 5, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaa Sheekh Muxumed Oo Ka Mid ah Madhax-qameedka Somaliland Gaar Ahaan gobolada Maroodi jeex Iyo Gabiley ayaa dhambaal Tacsi ah Udiray Waxgaradka ,wayeelka Qoyskii, Qaraabada Iyo guud ahaan Shacabka somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle Ha,unaxariistee Marxuum Xasan Mawliid Axmed oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo maanta ku geeriyooday magaalada hargaysa Maalinta Bari ahna lagu Aasi doono Xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga Magaalada Hargaysa . Suldaan Ismaaciil Ayaa Marxuumka Xasan Mawliid ku sifeeyay In uu ahaa Odoy Samotalis ah oo Dad Isku wadle Kasoo Qayb Qaatay dib udhistii dalka somaliland isagoo ilaahay uga baryay in uu unaxariisto una fududeeyo su,aasha qabriga qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna ILaahay uga baryay In uu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa Sigaar ah uga tacsiyadeeyay Xaaskiisa Marwo Saado Cabdi Kooshin iyo Dhamaan Ubadkii Uu Ka Tagay marxuumku In Ilaahay Samir Iimaan Kasiiyo. Aamin Aamin Yaa Allah.
Related posts:Halkan Ka Daawo-Waxan Madaxweynaha Ugu Baaqayaa In la Kala Diro Golaha Wakiilada Lana Joojiyo Burbur... Madaxweynaha Jsl Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Lagu Qaabiley Xarunta Baarlamaanka Maraykanka Ee CA... DAAWO; Munaasibad Lagu Dar Dargalinayo Dhismaha Jaamacada Al Cirfaan, Ee Magaalada Arabsiyo Oo Lag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|