Siyaasi Cali Guray Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Muranka Siyaasadeed Dalka Iyo Danaha Madaxwayne Biixi Ka Leeyahay Furista Ururada + Dhawaaqa Xisbiyada Mucaaridka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Muranka Siyaasadeed Dalka Iyo Danaha Madaxwayne Biixi Ka Leeyahay Furista Ururada + Dhawaaqa Xisbiyada Mucaaridka!
January 1, 2022 - Written by Editor:

“Sida Aan Filayo Waxa Jira Shirqool Ka Dhan ah Labadooda Xisbi, Oo Madaxwayne Muuse Doonayo In Dibadda Uu Ku Dhigo, Si Aanay Doorashada Madaxtooyada Uga Qaybgalin”Siyaasi Cali Guray

WAR JIRAABA CAKAARUU IMAN

“Runeey Lagu Neceb Oo Lagaa Roor Oo Laguma Rabo”Cali Guray,

Somaliland Cidii Lexojeclo ka Qabtaa Fidmo iyo fadqalalo ka talin mayso. Ha yeeshee sanadkan cusub Ilaahay khayrkiisa ha Ina siiyo sharkiisana ha inaga badbaadiyo eh Somaliland waxa Ay diyaar u tahay in ay qabsoomaan sadex doorasho iyadoo Doorasho kasta loo raacayo xeerkeeda gaarka ah, sida ay u kala Horeeyana loo kala qabto. Marka laga tago doorashada Guurtida oo xeerkii lagu dooran lahaa weli aanu diyaar ahayn Labada kale waxa soo horaysa ta madaxtooyada oo muddaysan 13 November waana doorasho dastuuri ah. Doorashada kale ee ka dambaysa waxa ku tartami doona xisbiyada iyo ururo siyaasadeed oo buuxiyay shuruudihii ururnimada ka dibna Guddida Kala Saarista Ururada Siyaasddu u diiwaangelisay in ay ka qaybgalaan doorasha oo ay ku soo bixi doonaan sadex xisbi Qaran oo iyagu muddo toban sanadood ah noqon doona Xisbiyo qaran doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona muddo Toban sanadood ahna iyagu xaq u yeelanaya in ay ka Qaybgalaan. Hadaba hadii labdan doorasho ay sidaa ay u kala Horeeyaan loo kala qabto dhibaato ma jirto khilaafna ma jirayo Ee sidii doorashadii isku sidkanayd ayuun baa iyadoo la is wada Ogol yahay ay sadexda doorashaba inoo qabsoomi karaan.

Maalmahan ugu dambeeyay xisbiyada mucaaridka waynu Ogayn oo qaylo dheer ayay af labadiisa daan dhawaaqeen Weliba hanjabaadona waabay raaciyeen. Maxaa dhacay tolow!  Ma layligii la odhan jiray biyaha kashiisa ku jira ayuu ka didaa Baadidi mise wuxu waadaan ka wayne wax kalaa jira oo waa Fiintii jirka soo socda ka sii ooyi jirtay.

Sida aan filayo waxa jira shirqool ka dhan ah labadooda xisbi oo Madaxwayne Muuse doonayo in dibadda uu ku dhigo si aanay Doorashada Madaxtooyada oo la og yahay in xaq sharci ay u Leeyihiin aanay uga qaybgelin ee dibadda la dhigo ka hor inta Aan la gaadhin doorashada. Hadalkii Wasiirka Warfaafinta uu Ku sheegay in ururada siyaasaddu ay furan yihiin ayaa ka mid ah Arimaha wax u iftiimiyay waayo wuxu si toos ah uga hor Imanayay Xeer Lam.14 oo marka lagu dhaqmayo uu hadalka Wasiirku furista ururada oo ahayd bisha June uu lix bilood  ugu Yaraan ka soo hormarinayay, taas oo markaa tartankii Doorashadii Xisbiyada/ururadana ee bisha December lix bilood Hore u soo dhigaysay kana soo hormarinaysay. Waxa ka Horaysay soo jeedintii wax ka bedelka iyo kaabista Xeer Lam.14 Oo taladiisa ahayd si la isu waafajiyo sadexda doorasho ee 2022 Hadana isaga laftiisu ka soo horjeedsaday taas oo sabab u Ahayd khilaafkii golaha cusub ee Wakiilada ee gaadhay ilaa maxkamadda sare in xildhibaanadii qorshahiisan dambe Taageeray ay u gudbiyaan. Hadana waxa jiray oo ka dambeeyay Hadalo isburin ahaa oo ka soo yeedhayay Madaxwaynaha oo Runtii muran dhaliyay markii si cad loo fahmi waayay.

Hadaba iswaydiintu waxay tahay hadii shakiga xisbiyada mucaaridka wax ka jiraan waa maxay danta ugu jirta Madaxwayne Muuse Biixi. Mar Muuse waynu naqaan oo waxa ku badan wax-iska-celi markaa wuxu iska celinayaa ilaa uu ka adkaanayo labada musharax ee mucaaridka iyo weliba Gudoomiyaha WADDANI Xirsi oo ahaa ninkii ka soo horjeedsaday musharaxnimadiisa xiligii ay Kulmiye wada ahaayeen. Markaa si uu Xirsi iyo Ciro, iyo Faysalba uga adkaado waa in uu aakhiro u diro WADDANI iyo UCIDba oo laba xisbi oo kale kaalmahooda xisbinimo sidii ay uga riixan ama loogaga riixi lahaa falawgeeda qabto isagoo siduu doono ugu tagrifalaya awoodaha kursiga madaxwaynaha ee isagu uu ku fadhiyo. Danta labaad waxa loo badinayaa muddo kordhin ay kuwa uu wado ee ururada furanaya qaarkood ay heshiis kula galeen.

Hadii ay sidaasi jirto oo run tahay xisbiyada mucaaridka waxa laga filaa muxuu noqon lahaa een ahayn in ay is difaacaan xuquuqahooda sharcina ku dheganaadaan? Markaa cadhada iyo qaylada mucaaridku wax kale maaha sida aan filayo ee waa halka. Madaxda sare ee labada xisbi ee mucaaridku way isku dayeen in ay Madaxwaynaha la kulmaan si ay wax isula meel dhigaan sida aan maqlayse madaxwaynaha ayaa diiday.

Markaa khilaafkan cusub ee bilawga ah hadii uu sii xumaadana fidnaba ka dhalan karta adigoo Ilaahay oo keliya ka baqaya yaad odhan lahayd waa ka masuul ma mucaaridka mise Madaxwayne Biixi laftiisa?

ILAAHAYO AQOONNA HA IGU CADAABIN EEXNA HA IIGA TEGIN

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALIGUREY”

HARGEYSA,SOMALILAND

COMMENTS
LINKS