|
|||||
WAJAALE NEWS
Sarkaal Ka Mid Ahaa Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Saaka Lagu Dilay Deegaanka Goroyo Cawl Ee Gobolka Awdal.
January 26, 2022 - Written by Editor:Boorama(W,N)-Alle ha u naxariistee Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar, oo ka mid ahaa Hoggaanka Millateriga Somaliland ayaa saaka lagu dilay deegaanka Goroyo Cawl oo u dhow Boorama. Askari ka tirsan Ciidamada uu xukumayay ayaa la sheegay in uu dilka gaystay. Dalmar, ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalka Ethiopia tababarka ku soo qaatay sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland. Askariga dilka gaystay ayaa wararku sheegayaan in markiiba la qabtay.
Related posts:Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Wasaarada Arimaha Gudaha Ugu Baaqay In Lasoo Celiyo ... Nuur Xaaji Xuseen Cumar xaashi oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Ayaa Ka Hadlay Saamaynta Qaadku Ku Leeya... Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Berbera Oo Ka Digay Qoysas Danyar Ah Oo la Doonayo In Dhulka Ay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|