“Qof La Xidho Ayaynu Ogayne, Buug la Xidhaana Waa Ii kow! Gudoomiyaha Xisbiga Waddani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qof La Xidho Ayaynu Ogayne, Buug la Xidhaana Waa Ii kow! Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.
January 27, 2022 - Written by Editor:

Buugga MAYAL, waa buug uu qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah dhllinyarada halabuurka iyo curinta Ilaahay hibada u siiyay, wuxuu soo saaray buuggan -dabcan waxaa galay tacab iyo maskax, waxaanay ahayd in la dhiirrigeliyo. Dastuurka Somaliland qodobka 16aad ayaa sheegay in halabuurka iyo dhaqankeenna suubban la dhiirrigeliyo, waxaana intaa dheer muhiimadda uu qoraalku leeyahay.

Waa arrin khaldan in la cabudhiyo maskaxaha wax curinaya ee ay ka soo burqanayaan halabuurka iyo xogaha bulshadu u baahan tahay ee muhiimka u ah. Haddiiba wax khalad ah lagu tuhmay, waxay ahayd in khaladka la sheego ama la gorfeeyo oo lagala doodo qoraha.

Imaam Maalik ayaa laga weriyay hadal macnihiisu yahay: “Nebi Maxamed NNKH mooyaane, Ma jiro qof aan diidmo lagaga fal celin karin wuxuu qabo ama qoray.”

Sida uu qoraagu sheegay, dhammaan shixnaddii la soo daabacay ee buugga Mayal xukuumadda ayaa xayirtay inyar oo aan gacantooda gelin mooyaane.

“Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido

Gacalnimo hal loo yidhi hadday, gubasho sii beerto

Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedaysan

Runta wuxu u guul guulayaa, way gundheertahaye

God-daloolo qudha maaha iyo, goonidaa taliye

Gedaan loo filayn baa jirtiyo, geela-daaq kale e,

Miyaan geedi baabuu arladu gelin ba waayaynin” -Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Gudoomiyaha xisbiga wadani xirsi cali xaaji Xasan ayaa Qoray.

COMMENTS
LINKS