Prof Ibraahim M. Meecaad Oo Si Adag Uga Hadlay Tacadiga Ay Wasaarada Maaliyadu Kula Kacday Xamaaliinta Kastamka Kalabaydh! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Ibraahim M. Meecaad Oo Si Adag Uga Hadlay Tacadiga Ay Wasaarada Maaliyadu Kula Kacday Xamaaliinta Kastamka Kalabaydh!
January 1, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo kamid ah Aqoonyahanka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka kana ayaa sikulul Ucanbaareeyay talaabada ay wasaarada maaliyadu kula kacay Xamaaliinta muruq maalka ah ee kastamka kalabaydh oo shaqadoodii ay ku wareejinayso shirkad gaar loo leeyahay taasi oo meesha ka saaray shaqadii ay Ka xamaalan jireen ee kastamka islamarkaana shaqo tiraysa boqolaal qoys oo deegaanka ah.

Prof meecaad ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in dadkaasi la shaqo tiro xukuumadana looga baahan yahay in dadka shaqo ubuurto balse aan looga fadhiyin in ay dad muwaadiniin ah shaqo tirto.

Dhanka kale prof meecaad ayaa siyaasiyiinta ,waxgaradka iyo xildhibaanada wakiilada ee reer gabiley ugu baaqay in ay ka gurmadaan arintaasi kana hadlaan isagoo xusay in xukuumadu duulaan ku tahay dadka reer gabiley haday tahay tan lagula kacay xamaaliinta kastamka kalabaydh, xaamiliinta magaalada wajaale iyo geed sun  ah oo ay doonaysay in ay ku beerta mashruuca banka wajaale

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS