|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Sheegay In Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaaliya Kordhiyay Khatarta Al shabaab.
January 23, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO(W.N)-Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in khatarta Al-Shabaab ay kordheen 12-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii boqolaal askari oo Mareykan ah laga soo saaray gobolka Geeska Afrika bishii Janaayo ee sanadkii hore. Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay, in khatarta Al-Shabaab ay tahay mid sii kordhaysa oo ay ugu wacan tahay waxqabad la’aanta AMISOM iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya. “Haddii aan cadaadis dheeri ah la saarin Al-Shabaab, waxaan ka walaacsanahay in uu dhici doono weerar weyn oo Al-Shabaab ah. Waxaan aragnay qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay labadii toddobaad ee u dambeeyay. Marka waxaan filayaa inay sii fidayaan oo ay sii kordhayaan,” Townsend ayaa sidaas yidhi. Taliyaha AFRICOM ayaa carrabka ku adkeeyay in militariga Mareykanka uu wali tababaro ciidamada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in ay shaqadooda gaabis ahayd bilihii lasoo dhaafay. Maraykanka ayaa sheegay inuu xoojinayo taageerada Soomaaliya, si loo wiiqo halista Alshabaab, iyadoo laga cabsi qabo in yaraanshaha taageerada milatari ee Maraykanka ay fursad u tahay Alshabaab. Related posts:Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Caqabadaha Haysta Dhallinyarada ... Nuxurka Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii 3aad Ee Ay Yeeshaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Hoggaanka Jaamacadda Hargeysa Oo Xilkii Iska Casilay Saylici Oo Ka Aqbalay iyo Laba Kamid ah Hormood... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|