|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Booqday Wershedaha Wax Soo Saarka Ee Duleedka Magaalada Hawaasa,
January 19, 2022 - Written by Editor:Hawaas-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnihii weftiga ahaa ee uu hoggaaminayey, ayaa ka hor intii aannay soo afmeerin safarkoodii shaqo ee ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxa ay socdaal kooban ku tageen magaalada wershedaha iyo wax soo saarka caanka ku ah ee Hawaasa ee Koonfurta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay gelbinayaan wasiirro iyo saraakiil sarsare oo katirsan dawladda Federal-ka Ethiopia, diyaarad khaas ahna lagaga qaaday caasimadda Addis Ababa, ayaa hannaan meeqaamkiisu aad u sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Hawaasa oo ay salaam Sharaf kaga qaateen weftiga madaxweynuhu ciidamad habmaamuuska ee ku sugnaa garoonka, waxana ay booqdeen warshedaha wax soo saarka ee duleedka magaalada Hawaasa ku yaalla.
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL Related posts:Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Kormeeray Goobaha Uu Ka Socdo Imtixaanku Ee Magaalada... Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Eedo Kula Dul Dhacay Suxufiyiinta Somaliland Sheegayna In Ay Mushahar... Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Baarbuur Lagu Qabtay Rasaas Lagu Waday Magaalada Ceerigaab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|