|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Sirdoonka Qaranka
January 5, 2022 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.
Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan. Wa-bilaahi Tawfiiq
Related posts:Wasiir Maxamuud Xaashi, Wejiyada Cusub Ee Siyaasaddiisa Taariikhdiisa Ku Aadan Asbaabihii Dib Uga So... Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud oo Si Qoto Dheer U Sharaxay Heshiiska Itoobiya, Eritrea iyo Somali... "Runtii Waa Nasiib Darro Inuu Maanta Magaaladan Hargeysa Cali Mareexaan Ka Abuuro Xaalad Nabadgelyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|