|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Gudoomiye Kuxigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Umagacaabay Cabdicasiis Cagawayne.
January 16, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-805/012022 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan Arkay: Qodobka 18aad iyo Qodobka 21aad ee Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyay; In Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|