Maamulka Degmada Sheikh Iyo Masuuliiyin Kale Oo Ka Hadlay Isku Dhac Habeenkii Xalay Dhexmartay Ciidamo Tababar Ujooga Deegaanka Iyo Dhalinyarada Magaalada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Degmada Sheikh Iyo Masuuliiyin Kale Oo Ka Hadlay Isku Dhac Habeenkii Xalay Dhexmartay Ciidamo Tababar Ujooga Deegaanka Iyo Dhalinyarada Magaalada.
January 3, 2022 - Written by Editor:

SHEEKH(W,N)-Gudoomiyaha degmada sheikh ee gobolka saaxil iyo saraakiisha ciidanka qaranka ee aaga bari ayaa ka hadlay isku habeenkii xalay dhexmaraya dhalinyaro ciidanka qaranka ah oo tababar ujooga kuliyada ciidamada ee sheikh iyo dhalinyarada magaalada sheikh kaasi oo sobobay in mudo saacado ah ay magaalada ka socdeen rabshado ay sobobeen isku dhacoogu.

Gudoomiyaha degmada sheikh iyo saraakiisha ciidanka qaranka ayaa sheegay in  arintaasi la xaliyay ismarkaana aanay hore udhicin arintan oo kale,

Sidoo kale masuuliyiibta ayaa fariin udiray shacabka magaalada sheikh gaar ahaan dhalinyarada isagoo sheegay in ciidanku uu yahay ciidankoodii dibna aanay udhici doonin arintan oo kale.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliska ee degmada sheikh ayaa faah faahin ka bixiyay sidii ay habeenkii xalay dhacday isku dhaca ciidanka tababar ujooga deegaanka iyo dhalinyarada magalaadu oo ay kala dhex galeen ciidanka boolisku.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS