Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Mullaacad Uu Ka Shaqaynayay Oo Ku Duntay Iyo Ciidanka Dab damiska Oo Gurmad Ufidiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Mullaacad Uu Ka Shaqaynayay Oo Ku Duntay Iyo Ciidanka Dab damiska Oo Gurmad Ufidiyay
January 28, 2022 - Written by Editor:

Alle haw naxariistee Hal qof ayaa ku dhintay Bullaacad uu ka shaqaynayay oo ku soo duntay xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka dugsiga Cabdilaahi Muuse.

Ciidamada Dab-demiska Hargeysa ayaa goobtaa si degdeg ah u gaadhay, waxaana maydkii ka soo saareen Bullaacada oo ilaa Shan joog hoos u qodnayd.

Goobta ninku ku dhintay ayaa ahayd Bullaacad loo samaynayay masjid cusub. Marxuumka ayaa ahaa Itoobiyaan gaar ahaan qoomiyada Oromada ,waxaana da’adiisu qiyaas ku dhawayd 50 Jir.

Ciidanka Dab-demiska ayaa maydkii ku wareejiyay ciidanka Booliska gaar ahaan CID da.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan halista ay keeni karaan bullaacadaha iyo godadku, sidoo kale marka la samaynayo bullaacadaha lagu sameeyo amar ogolaansho shaqo ( Work Permit).

Alle haw naxariisto, Aamiin

 

COMMENTS
LINKS