|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Dareen Celiyay Qaraar Ay Maxkamada Sare Kasoo Saartay Dacwad Laga Gudbiyay Xeerka Furista Ururada!
January 16, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji xasan ayaa ka dareen celiyay qaraarka kazoo baxay maxkamada sare ee dacwadii ay ugudbiyeen xildhibaano golaha wakiilada ee xeerka furista ururada siyaasada oo dalka muran xoogan ka dhaliyay. Gudoomiye xirsi ayaa qoraal uu kaga hadlayo g,aanka maxkamada ku baahiyay barta u ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan; Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo. Nuxurka Qaraarka Maxakamadda:
Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato. Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah. Gudoomiyaha xisbiga wadani Xirsi Cali xaaji Xasan.
Related posts:Boqortooyada Sucuudiga Oo Sii Meeqaam Sare Ah U Qaabishay Wasiirka Madaxtooyada Iyo Wafti Uu Hogaami... DAAWO; "Jiidali Waa Isbadaldoon waanan ku diirsanayn Doorka aad Qaadateen" Halgankana Waa lagu kala ... Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo La Sheegay Inuu Ku Soo Jeedo Degmada Badhan Ee Bariga San... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|