Gudoomiyaha Ururka Siyaasadeedka S.P.P Oo Ka Digay In Magaca Ururka Dadwaynaha Somaliland Cidi Copy Garayso Amaba La Baxdo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Ururka Siyaasadeedka S.P.P Oo Ka Digay In Magaca Ururka Dadwaynaha Somaliland Cidi Copy Garayso Amaba La Baxdo!
January 28, 2022 - Written by Editor:

“Waxa Uu Ku Wargelinayaa Hay’adaha Qaranka Iyo Cidwaliba Oo Ay Khuseyso Arintani In Magaca Iyo Astaamaha Ururka Dadweynaha Somaliland”SPP” Aanay Cidina Qaadan karin, Cidii Isku Dayda In Ay Koobiyeysato Magaca Iyo fekerka, Waxaa Lagu Kala Bixi Doonaa Hay’adaha Sharci Ee Dalka”Gudoomiyaha Ururka SPP.

HARGAYSA(W,N)-Warsaxafadeed kasoo Baxay  Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dadwaynaha Somaliland ee magaciisa loosoo Gaabiyo (SPP) Ayaa ka digay in cidi Koobi garayso ama la baxdo magaca ururkan oo mudo afar sano ah jiray ay ku bahoobeen aqoonyahan iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland.

Sidoo kale warsaxadeedka kazoo Baxay Gudoomiyaha Ururka SPP Maxamed Cabdi jaamac Dhimbiil ayaa haayadaha qaran iyo laamaha dawlada ku wargaliyay in aan koox ama cidkale Isticmaali Karin magaca iyo astaanka ururkan iyadoo la Ilaalinayo qawaaniinta dalka iyo shuruucdiisa.

HALKAN KA AKHRI WARSAXAFADEEDKAN OO FAAH FAAHSAN;

Warsaxafaded/ref/01/01            28-01-2022

DIGNIIN

Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu ka digayaa una Sheegayaa dadka jamhuuriyada Somaliland taageerayaasha Ururka in aan sinaba loo isticmaali karin astaamaha iyo magaca Ururka dadweynaha Somaliland.

Waxa uu ku wargelinayaa hay’adaha qaranka iyo cidwaliba oo Ay khuseyso arinkaasi in magaca iyo astaamaha ururka dadweynaha Somaliland aanay cidina qaadan karin lana isticmaali karin , cidii isku dayda in koobiyeysato magaca iyo fekerka waxaa lagu kala bixi doonaa hay’adaha sharci ee dalka.

 OGEYSIIS ;

Waxa Aanu ogeysiinaynaa dhamaan taageerayaasha ururka dadweynaha Somaliland iyo xubnaha ururka ee dalka iyo dibada jooga in ay socoto qaban-qaabadii ku dhawaaqista ururku waxaana aanu idin la socodsiinaynaa in aad u diyaar ahaataan.

Aas-Aasaha ahna Gud-kumeelgaadhka ah ee ururka Dadweynaha Somaliland.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS