|
|||||
WAJAALE NEWS
Diyaarad Sidday Diblumaasiyiin Ruush Ah Oo Soo Cago-dhigatay Madaarka Cigaal Ee Hargeysa & Xogaha Laga helayo!
January 30, 2022 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa Sabtida Maanta soo cago-dhigtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa. Diyaaraddan oo ka soo kacday Magaalada Caasimadda ah ee Moosko isla-markaana soo martay Magaalada Al-cayn ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa subaxdii hore ee Saaka timid Hargeysa. Diyaaraddan oo nooceedu yahay SAPSAN ( Antanov ) ayaa numberka u diiwaangashan uu yahay AN74 EX-74001. Illaa hadda si rasmiya looma oga ujeeddada diyaaradda Ruushka ahi u timid Somaliland, balse Warar qaarkood ayaa sheegay inay sidday diblumaasiyiin Ruush ah, kuwaasi oo doonaya inay Wada-xaajood la yeeshaan Xukuumadda Somaliland, inkasta oo aan la sheegi karin waxa uu ku saabsan yahay Wada-xaajoodkaasi, hase-yeeshee socdaalka Weftiga diblumaasiyiinta Ruushka ah ee la sheegay inay Hargeysa yimaaddeen, ayaa ku soo beegmaya xilli dunidu isha ku hayso Somaliland, sidoo kalena uu soo xoogaysanayo dedaallada ictiraaf-raadinta Somaliland. Dawladda Ruushka oo hore Warbaahinta Caalamiga ahi u tebiyeen inay danaynayaan inay Saldhig ka samaystaan Somaliland, ayaa waxa arrintaa sii xoojiyey ka dib markii Dawladda Suudaan sheegtay inay dib u eegayso heshiis ay la gashay Ruushka, kaasi oo ahaa inuu Saldhig Ciidan ka samaysto halkaasi, taasi oo keentay in Ruushku ka fikiro dalkii u beddeli lahaa Suudaan. XIGASHO; WARGAYSKA GEESKA Related posts:Daawo:Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ku Faafay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Togdheer Iyo Mooganaanta Xukuu... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Ay Yeelan Doonto Jaamacada New Generat... Wasiirka Duulista Oo Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Ardayda J... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|