DAAWO;-Madaxdhaqameedka Beesha Bariga Burco Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Hogaanka Xisbiga Waddani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madaxdhaqameedka Beesha Bariga Burco Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Hogaanka Xisbiga Waddani.
January 7, 2022 - Written by Editor:

BURCO(W,N)-Madax-dhaqameedka, haldoorka, dhalinyarada iyo wax-garadka ka soo jeeda deegaannada Bariga Burco ee Gobolka Togdheer Ayaa maanta magaalada burco hadhimo sharafeed ugu sameeyay gudoomiyaha xisbiga wadani, musharaxa madaxwayne ee xisbiga iyo masuuliyiin kale oo socdaal ku jooga magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco.

Munaasibadan ayaa laga jeediyay hadalo kuwaasi oo taageero loogu muujiyay hogaanka xisbiga wadani.

Sidoo kale waxaa munaasibadan hadhimo sharafeedka ka hadlay musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi “cirro” iyo gudoomiyaha xisbiga xirsi cali xaaji xasan iyagoo ugamahad celiyay soo dhawayntii ay usmayeen reer burco iyo casuumadan ay ufidiyeen haldoorka beesha bariga burco.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS