Ciidamo Katirsan Somaliland Oo Tababar Loogu Soo Xidhay Dalka Jabuuti Iyo Waxyaabaha Lasoo Baray! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo Katirsan Somaliland Oo Tababar Loogu Soo Xidhay Dalka Jabuuti Iyo Waxyaabaha Lasoo Baray!
January 2, 2022 - Written by Editor:

“Nasiib Wanaag  Somaliland Waa Dal Nabad Ah, Ilaahayna Nabadaasi Haydiin Siyaado, Anaguna Waxaanu Nahay Walaalihiin Oo Garab Idiin Ah” Taliyaha Ciidanka Boolisa Jabuuti.

JABUUTI(W,N)-29 Askari oo katirsan ciidanka booliska Somaliland gaar ahaan ciimada gaar ah utababaran ee RRU Ayaa tababar loogu soo xidhay dalka jabuuti oo ay mudo wax ku barayay.

Xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa kazoo qaybgalay taliyaha ciidanka booliska jabuuti iyotaliyaha ciidanka RRda Somaliland Gaashaanle sare Axmed cabdi tiir iy muj Ibrahim xuseen dhagawayne oo saigu socdaal shakhsiya ku jooga dalka jabuuti.

Taliyaha ciidanka RRUda jsl ayaa faah faahin  ka bixiyay waxyaabaha la baray ciidamada booliska Somaliland katirsan,.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliska dalka jabuuti cabdilaahi cabdi faarax ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay tababar loosoo gabo gabeeyay ciidamada katirsan booliska Somaliland iyo iskaashiga dhinaca abniga ee Somaliland iyo jabuuti.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS