|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogatay Laba Ruux Iyo Waxyaabaha Ay Ku Eedaysay!
January 28, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)- Xarakada Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogtay labo ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku toogteen Gobolka Shabeellaha Hoose ee somaliya. Labada ruux ee ay toogteen Al-Shabaab ayay Magacyadooda ku kala sheegen Yoonis Macalin Xasan iyo Maxamed Nuur Xasan, waxaana ay sheegeen in ay ka kala tirsanaayeen Booliska Soomaaliya iyo hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, waa sida ay hadalka u dhigeene. Dilka ayaa ka dhacay degaanka Kuunya-Baroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Labada ruux ee ay toogteen Al-Shabaab ayay sheegeen in howlgeli jireen Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo, oo ka kala tirsan Shabeelaha hoose iyo Gobolka Baay.
Related posts:Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed Ee Somaliland oo Hambalyo iyo Bogaadin U Diray Raysalwasaaraha Dalka It... Wasiiirka Caafimaadka JSL Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Ceel Sheekh Oo Roobabkii Duufaanta Watay Kha... Waxaad Moodaa Inaanay Saddexdayada Gudoomiye Wada Socon oo Malaha Gaar bay u Wada Socdeen Ninka Muus... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|