Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay 11bilood Ee Udanbeeyay Shilalka Gaadiidka Dalka Ka Dhacay Iyo Tirada Ku Dhimatay+ Kuwo Ku Dhaawacmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay 11bilood Ee Udanbeeyay Shilalka Gaadiidka Dalka Ka Dhacay Iyo Tirada Ku Dhimatay+ Kuwo Ku Dhaawacmay
December 17, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa ka hadlay 11 bilood ee ugu dambeeyey, waxaanu sheegay in todoba kun oo shil in ka badani ay dalka ka dhaceen, dadka u geeriyooday iyo dadka dhaawacu ka soo gaadhayna ay aad u badan yihiin.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka hadlay shilalka dalka ka dhacay wuxuu yidhi “Muddo ka yar 11 bilood, waxaa ka dhacay wax ku dhaw toddoba kun oo shil, waxaa dhintay dad kor u dhaafaya laba boqol iyo dhawr iyo lixdan qof, waxaa dhaawacmay in ka badan afar boqol iyo dhawr iyo todobaatan qof, waxaa ayaan daro ah in dawlado iyo dalal dagaal ku jira in dhaawacaas, dhibaatada iyo khasaarahaasi aanu ka dhicin, macnaheedu waxaa weeyaan Somaliland dhibaatada jidadku waxay ka dhigtay sidii dal dagaal ku jira oo kale ujeedadeena kulankana waa sidii aynu taas uga badbaadi lahayn, oo dadkeena u badbaadin lahayn, hantideena u badbaadin lahayn..”

 

COMMENTS
LINKS