|
|||||
WAJAALE NEWS
“Xildhibaanadaasi Way Dar Jiidheen Dacwad Distooriyana Maxkamada Sare May Gaynin, Maxkamada Sarena Waxaan..”Xildhibaan Guruuje.
December 22, 2021 - Written by Editor:“Xeer Golaha Wakiilada Horyaala Oo Aanu Go,aan Ka Qaadanin, Madaxwaynuhu Aanu Sexeexin Dhaqan Galkiisa, Maxkamada Sare Kama Gar Qaadi Karto”Xil Guruuje. HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa ka hadlay sharciyada dacwad xeerka furista ururada siyaasada ah oo 46xildhibaan ugudbiyeen maxkamada sare kaasi oo hore muran uga dhex dhaliyay golaha wakiilada kaasi oouu sheegay in uu baalmaran yahay sharci ismarkaana uuna waafaqsanayn hanaanka sharci ee cabasho amaba codsi loogu gudbin karo maxkamada sare ahana maxkamada dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland. Sidoo kale xildhibaan guruuje ayaa gudoomiyaha maxkamada sare ugu baaqay in uu laalo codsiga ay usoo gudbiyeen xildhibaanadu, Dhanka Kale xilldhibaan guruuje ayaa fariin culus udiray madaxwaynaha Somaliland isagoo xusuusiyay Somaliland waxa ay gayaysiisay khilaafkii dhexmaray madaxwaynihii hore ee Somaliland marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal iyo gudoomiyihii golaha wakiilada ee wakhtigaa Maxamed cabdilaahi xaabsade, in aanay maanta dhici Isagoo Madaxwayne biixi ugu baaqay in arinta gudoomiye cabdirasaaq khaliif noqonin taasi oo kale isna aanu ilduufin, HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|