|
|||||
WAJAALE NEWS
“Wixii La Isku Qabto Maxkamadii Kala Saari Lahayd Ma Dhisna, Maxkamadii Dastuuriga Ahayd Waa In La Sameeyaa” Muj Dhagawayne.
December 26, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Muj Ibrahim Xuseen “Dhagawayne” Oo kamid ah sraakiishii hogaminaysay halgankii dib uxoraynta Somaliland ayaa Ka Dayriyay Muranka Sharci Ee Dalku Uu Galay Iyo Jiritaan La.aanta Maxkamad Dastuuriya Oo Wax kala Saarta. Sidoo kale muj gadhawayne ayaa ku baaqay in deg deg ah loo sameeyo maxkamadii dastuuriga ahayd ee dalka oo aan hada jirin si loo helo cid xalisa muranada sharci ee yimaada. “Xaalad adag ayaa la gali doonaa, hadii aan xaaladan caqli lagu darin oo meel xun bay gaadhaysaa, ismaandhaafku halkuu marayana wuu kala fog yahay imika, “Wixii la isku qabto maxkamadii kala saari lahayd ma dhisna, Maxkamadii dastuurka waa in la sameeyaa, waayo maxkamad dastuuriya ayaan wadanka ka jirin oo 30 sanno ayaynu ku samayn waynay; “Wixii sharciga ku qoran waa in la yeelo oo sharciga la raaco”. Ayuu yidhi Mujaahid Dhagawayne. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Cuqaal iyo Odayaal Ka Hadlay Dil Haweenay Loogu Geystay Gabiley iyo Baaq Ay U Direen Maxkamada Sare Daawo:Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Isku Taga Im... “Kulanka Uu Cabdikariim La Kulmay Madaxwaynaha Aniga Waan Taageersanahay, Waayo Maayarnimadiisa Ayaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|