Wefti Culus Oo Ka Socda Beesha Caalamka Oo La Filayo Inay Hargeysa Soo Gaadhaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefti Culus Oo Ka Socda Beesha Caalamka Oo La Filayo Inay Hargeysa Soo Gaadhaan
December 28, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wefti ka socda Beesha Caalamka gaar ahaana waddamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda,ayaa la filayaa inay soo gaadhaan dalka maal-maha soo socda,kuwaas oo socdaalkooda uu ku soo beegmayo xilli uu dalka ka jira khilaaf-siyaasadeed,kaas oo u dhaxeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda KULMIYE,isla markaana salka ku haya xeerka ururradda iyo axsaabta ee xeer Lr 14.

Warar uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay inay weftigaas ay imanayaa dalka maal-maha soo socda,waxaana la sheegay inay weftiga ay kamid yihiin safiiro iyo diblomaasiyiin iyo xubno kale,kuwaas oo ka socda waddamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Weftiga oo la filayo inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo shir guddoonka Golaha Wakiillada,wallow uu socdaalkoogu ku soo beegmay xilli uu khilaaf siyaasadeed uu ka jiro dalka,kaas oo u muuqda mid cirka isku sii sharreeraya mar-ba marka ka dambaysa,wallow haddana lagga dhursugayo go’aanka Maxkamadda dastuuriga ah,haddana waxa jirta cabsida la xidhiidha inuu khilaafkaas uu sii daba dheeraado.

Dhanka kalene lama ogga in weftigan waddamada reer Yurub ee dalka ku soo jihaysan inay dalka u imanayaa hadda siidii ay gacan uga geysan lahayeen xalinta khilaafka u dhaxeeye Xukuumadda iyo Mucaaradka iyo in kale,hase-yeshee waxa la tuhunsan yahay in ay arrintaas ay kamid tahay arrimaha ay u imanaya xilligan dalka.

COMMENTS
LINKS