Siyaasi Cabdiqani Daahir Oo Sheegay In Xukuumadu Ku Hawlan Tahay Mudo Kordhin Iyo Ujeedada Qorshaha Furista Ururada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cabdiqani Daahir Oo Sheegay In Xukuumadu Ku Hawlan Tahay Mudo Kordhin Iyo Ujeedada Qorshaha Furista Ururada.
December 18, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Aqoonyahan Cabdiqani daahir oo kamid ah xisbiga wadani ayaa ka hadlay arimo door ah iyo xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan isagoo farta ku fiiqay in  ay muhiim ahay sidii looga wada hadli lahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo guurtida balse aan lagu war wareegin furista ururada siyaasada oo wakhtigooda laga soo horumariyo.

Sidoo kale siyaasi cabdiqani ayaa sheegay in qorshahani ururada laga dan leeyahay mudo kordhin loo sameeyo xukuuumada madaxwayne bixi oo wakhtigeeda hada hadhsantahay mudo sanad ahi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS