|
|||||
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi Oo Caawa Fiidkii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Arabsiyo Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay.
December 17, 2021 - Written by Editor:ARABSIYO(W,N)-Alle haw naxariistee laba Wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku dhintay, halka laba kale ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay Duleedka galbeed ee degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Waxaana shilkaasi gurmad ka galay Ciidanka Dab-demiska ee magaalada Gabiley iyo cisbitaalka weyn ee Magaalada Gabiley oo gurmad deg deg ah goobtaa ku gaadhay, waxaana maydkii iyo dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka Gabiley. Gaadhiga shilka galay ayaa noociisu ahaa gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Vitz. Dhaawacyada Ciidanku cisbitaalka gaadhsiiyay ayaa qabay dhaawacyo tiro badan waxaana hadda lagu dabiibayaa cisbitaalka Gabiley. Qofkii shanaad ee gaadhiga saarnaa ayaa ilaa hadda la raadinayaa.
Sababta shilkan dhalisay waxaa la wareegay qaybta baadhista shilalka Ciidanka Taraafikada gobolka Gabiley. Related posts:DAAWO;-Odayaasha & Waxgaradka Beelkamida Beelaha Degmada Tog Wajaale Oo Raali Galin Ka Bixiyay fal ... Wafti u Hogaaminayo Musharaxa Madaxwayne Ee Xusbiga Ucid Oo Socdaal ku Tagaya Magaalada Togwajaale I... Xubno Ciidamadda Somaliland Ku Xidheen Hargeisa oo Baasaboorka Somalia ku samayn jiray Caasimadda Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|