Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Oo Kulan La Qaatay Khabiir Michael Robin Oo Socdaal Ku Jooga Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Oo Kulan La Qaatay Khabiir Michael Robin Oo Socdaal Ku Jooga Somaliland.
December 28, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro ayaa hoyga uu magaalada hargaysa ka degan yahay ku qaabiley khabiir u ololeeya qadiyada Somaliland ee Michael robin oo socdaal ku jooga Somaliland/

Musharax cabdiraxmaan ciro ayaa faahin faahin ka bixiyay kula uu la qaatay khabiir Michael robin wuxuna udhigaa sidan;

“Waxaa sharaf ii ah in aan kula kulmo hoygeyga oo aan waqti fiican la qaato Michael Rubin oo ka mid ah Saaxiibada waaweyn ee ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, isla markaana ka tirsan Khabiirada Machadka American Enterprise Institute, waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda mandaqadda Geeska Afrika, iyo sida oo kale arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay ugu muhimsan tahay in Doorashada Madaxtooyada xilligeedii lagu qabto.

COMMENTS
LINKS