Meydka Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Jsl Marxuum Maxamuud Sheekh Oo Galabta Soo Gaadhay Somaliland Laguna Aasi Doona Boorama! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meydka Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Jsl Marxuum Maxamuud Sheekh Oo Galabta Soo Gaadhay Somaliland Laguna Aasi Doona Boorama!
December 19, 2021 - Written by Editor:

WAJAALE(W,N)-Alle ha,unaxariistee wasiirkii hore ee wasaarada boosaha isgaadhsiinta xukuumadii Axmed siilaany marxuum Maxamuud sheikh Cabdilaahi Cige oo habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada adis ababa ee dalka itoobiya ayaa galabta maydkiisa lasoo gaadhsiiyay magaalo xuduudeedka wajaale iyadoo maalinta bari lagu aasi doona magaalada boorama.

Wasiiro katirsan dawlada itoobiya ayaa maydka marxuumka soo gaadhsiiyay magalada wajaale ee xuduudka labada dal halkaasi oo ay xukuumada somaliland ka gala wareegtay.

Waxaana maydka marxuumka halkaasi kaga hortagay masuuliyiin xuuumada katirsan,madaxdhaqameed iyo ehelada marxuumka kuwaasi oo usii galbiyay magaalaada boorama oo lagu aasi doono .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS