Madaxweyne Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ku Kacay Distuur Jabin Iyo Tirada Masuuliyiinta Uu Magacaabay Ee Ay Dhaaftay Mudadii Uu Ku Horgayn Lahaa Golaha Wakiilada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ku Kacay Distuur Jabin Iyo Tirada Masuuliyiinta Uu Magacaabay Ee Ay Dhaaftay Mudadii Uu Ku Horgayn Lahaa Golaha Wakiilada!
December 18, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga Wadani Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa madaxwaynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ku kacay dastuur jabin ismarkaana ay mudo dhaafeen in uu golaha wakiilada horgeeyo 12masuul oo uu magacaabay mudooyinii udanbeeyay kuwaasi oo sifo sharci daro ah ku shaqaynaya.

Sidoo kale xoghaye xamse ayaa madaxwaynaha ugu baaqay in uu masuuliyiintan dib usoo magacaabo ama cidkale kusoo badalo maadama ay dhaafeen mudadii 90cisho ahayd ee dastuurku siiyay in uu ku horkeeno golaha wakiilada,

106 maalmood ayey xilalka hayaan masuuliyiin u badan Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, kuwaas oo iyaga oo aan Golaha Wakiilladu ansixin shaqooyinkoodii iska wata muddo ka badan tii uu distuurka dalku jideeyey.

Qodobka 114-aad ee Distuurka Farqadiisa 3-aad ayaa sheegaysa in muddo saddex bilood ka badan aanay si ku meel gaadh ah u shaqayn karin Masuuliyiinta Madaxweynuhu Magacaabay.

Masuuliyiintan ayuu madaxweyne Biixi digreeto ku magacaabay 2-dii bishii September 2021, iyaga oo illaa maanta shaqaynaya, iyada oo muddadii Distuurku waajibiyey dhaafay muddo saddex toddobaad ku dhow.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS