“Madaxwayne Muuse Uma Wada Suurogeli Karto In Doorasho-Doonka Iyo Doorasho-diidka, Uu Labadaba Isagu Hogaamiyo” Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwayne Muuse Uma Wada Suurogeli Karto In Doorasho-Doonka Iyo Doorasho-diidka, Uu Labadaba Isagu Hogaamiyo” Siyaasi Cali Guray.
December 31, 2021 - Written by Editor:

“WAAYEEL WAA INAGA OO AAN ISYEELYEELAYNIN”CALI GURAY.

Horta Yaa Diidan Een Ahayn Cadowga Somaliland In Markii Ugu Horeysay Somaliland 2023 Ay Isla Hesho.

1.Baarlamaan labadiisa goleba ay muddo xileedkoodii sharciga ahaa ku fadhiyaan

2.Golayaal Degaan oo muddo xileedkoodii sharciga ahaa ku fadhiyaan

3.Madaxwayne muddo xileedkiisii sharciga ahaa ku fadhiya

4.Xisbi Qaran oo shahaadadahoodu dhaqangal yihiin

Intaasiba danta iyo wanaagga Somaliland in ay tahay waa la Garanayaa waana suurogal oo si fudud ayaa loo wada hirgelin karaa marka laga talinayo danta ummadda.

Laakiin waxa badan kasgaabka wanaag u haysta muddo dhaafka doorashooyinka oo ku sababeeya kuwii horeba waa loo kordhiyaye kuwan hadda joogana ha loo kordhiyo

Madaxwaynayaashii hore 2 sanadood baa loo kordhiyaye ka jooga marka ay ka dhamaato isagana ha loo kordhiyo. Wakiilada kuwii horeba waa loo kordhiyay intii loo kordhiyay kuwa hadda joogana ha loo kordhiyo. Golayaasha Degaanka kuwii horeba waa loo kordhiyay kuwa joogana markay ka dhamaato iyagana ha loo kordhiyo.

Bal kuwan doorasho-diid baan u aqaan eh ma muwaadiniin daacad ah baynu ku sheegi karnaa? Maya anigu cadowga koobaad ee Somaliland baan u aqaan. Waayo waa dad aan iyagu dan ka lahayn wanaagga Somaliland ee dano yaryar oo gaar ah oo ay wada leeyihiin ama kala leeyihiin uu ka fakaraya. Waxay neceb yihiin ama aanay dan ka lahayn guusha muuqata ee markii ugu horeysay Somaliland ay gaadhi karto hadii ay doorashooyinka sidoodo u qabsoomaan waana la og yahay in ay qabsoomi karaan hadii kuwii ay dadku doorteen si run ah uga Turjunayaan shacbigii doortay dantooda oo ay ka hormariyaan danaysiyada gaarka ah. Taas oo aan inta badan looga baranin.

Somaliland heer fiican bay joogtaa marka loo eego xaaladaha ay ku sugan yihiin wadamada derisku iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika. Mustaqbalka dhawna waxa suurogal ah in ay hesho fursado aanay 30kii sanadood ee hore helin dhinaca horumarka dhaqaalaha ilaa Ictiraafka.

Madaxwayne Muuse uma wada suurogeli karto in doorasho-doonka iyo doorasho-diidka uu labadaba isagu hogaamiyo ee bal meel Ha istaago loogu soo hagaagi karo. Hadii uu dhinaca qaldan horjooge u noqdo ninkii diidayaa ha diido horena way inoo soo martay oo wuxu inoo dooray khilaaf siyaasi ah oo mar kasta halis ku noqon kara degenaanshaha iyo xasiloonida dalka si waynna bulshadu ugu qaybsami doonto. Hadii uu dhinaca saxa ah istaago wuxu noqon doonaa madaxwayne ka gudbiyay Somaliland  marxalad taariikhi ah oo wuxu ka tegi wanaag looga aayi doono laguna xusi doono magaciisa taariikhdana u geli doonta. Sidaa daraadeed waxa isu dhinac yaal magac iyo manfac isagu ha kala doorto.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS