Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Dalka Dib Ugu Laabtay Kana Warbixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Hindiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Dalka Dib Ugu Laabtay Kana Warbixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Hindiya.
December 9, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka India iyo Isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid golaha wasiirrda, xildhibaanno iyo saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay inuu kulamo kala duwan oo midho dhalay la qaatay siyaasiyiinta, hormuudka iyo ganacasatada labada dal ee uu safarka ku tegay, islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo salka ku haya xidhiidhka wanaagsan ee dhinacyada siyaasadda iyo ganacsiga.

COMMENTS
LINKS