Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Oo Lafilayo In Ay Kulmaan, Xili Ay Warbaahinta Isku Mariyeen Eedaymo Cul Culus! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Oo Lafilayo In Ay Kulmaan, Xili Ay Warbaahinta Isku Mariyeen Eedaymo Cul Culus!
December 25, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadani iyo Ucid Ayaa lafilayaa in Ay kulan yeeshaan maalmaha soo socda, xili ay Maalmihii Udanbeeyo eedaymo iyo weerar dhinaca afka isku Mariyeen Warbaahinta Ku waasi oo bulshada jahaareer ku riday kana dhashay xeerka muranka badan dhaliyay ee xeer14 oo Waxka badal ay ku sameeyeen golihii hore ee wakiilada iyo Golaha guurtidu uu sobobay.

Warar Laga helayo Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa tibaaxay in Xidhiidho dhexmaray dhinacyadan kadib lafilayo in ay kulan Yeeshaan maalmaha soo socda, kaasi oo sida wararku Tibaaxeen  ay ku wehelin doonaan komishanka Doorashooyinka Somaliland oo iyagu leh Astayta wakhtiga ay Qabsoomayso doorashooyinka madaxtooyada iyo guurtida oo xiliga ay usaysan yihiin uu caqabad ku noqonayo waxka Badalka xeerka 14 oo wakhti xaadirkan horyaal maxkamada Sare ee jamhuuriyada Somaliland kadib markii ay golaha Wakiilada oo uu madaxwaynuhu kusoo celiyay ay isku fahmi Waayeen qaabka loo waajahayo, kaasi oo markii danbe 46 Mudane codsi ugudbiyeen maxkamada sare si ay tafsiir sharci ugu samayso.

Kulanka madaxwaynaha, hogaanka xisbiyada mucaaridka iyo komishanka doorashooyinka ayaa lagu wadaa in lagaga wado hadlo qodobo xasaasiya oo ay ugu horayso xalka gaadhida xeer 14 iyo isfaham laga gaadho sidii laysku waafajin lahaa doorashooyinka madaxtooyada iyo guurtida iyo furista ururada siyaasada oo dhamaan wakhtiga loo asteeyay ee lagu waday in ay dhacaan ay tahay sanadka 2022 gudihiisa.

Shacabka Somaliland ayaa iyagu  udhagtaagayada kulanka lagu wado in uu dhexmaro Daneeyayaasha siyaasada somaliland ee sedexda xisbi qaranka ,xukuumada iyo komishanka kaasi oo Hadii ay wada gaadhaan xal siyaasadeed dawo unoqonaysa Khilaafka kazoo kala dhexgalay xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada oo Dhinaca kale  saameeyay xildhibaanada golaha Wakiilada oo iyagu la kala safan aragtiyaha xisbiyada mucaaridka Iyo doonista xukuumada xisbiga kulmiye ee xeerka furista ururada, oo Sobobay in uu Khilaaf culus oo gacan ka hadal gaadhay ka dhex dhaliso Xildhibaanada golaha wakiilada kuwaasi oo tahli kari waayay in Uu qabsoomo kal fadhigoodii, wallow maalinta bari  ay Ubalansan yihiin in ay isku yimadaan fadhigii  golaha, si ay Ugudo galaan hawla shaqo ee uyaala oo ay kow ka tahay ka Doodista miisaaniyada qaranka.

Dhanka kale kulanka ayaa lagu wadaa in uu qayb ka noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland cabdirasaaq khaliif,

Halka wararka laga helayo dhaqdhaqaaqyada kulanka asxaabta siyaasiyada,madaxwaynaha iyo komishanka doorashooyinku ayaa intaa ku daray in  gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland uu dhankiisa ka war sugayo natiijada kazoo baxda kulankan si uu ugu dabaqo go,aanka tafsiirka sharci ah ee ay  Maxkamadu kazoo saarayso xeer14,balse lama hubo in ay ka hor dhici doonaan iyo in ay sugi doonaan xalka siyaasadeed asxaabta iyo xukuumadu ka gaadho Qasboomida Doorashooyinka Kaasi Oo Buddhig Unoqonaya in maxkamada sare ay ku salayso go,aankeeda.

Wixii kasoo kordha kulanka lagu wado in uu dhexmaro madaxwayne biixi ,hogaanka xisbiyada mucaaridka iyo komishanka doorashooyinka qaranka kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE/

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS