Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Saalim Cubeyd Saalim Oo Ku Geeriyooday Magaalada Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Saalim Cubeyd Saalim Oo Ku Geeriyooday Magaalada Berbera.
December 25, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 25/12/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Saalim Cubeyd Saalim oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/12/2021, Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, laguna aasay maanta Xabaalaha Xeebta Saadada.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka iyo dadka, doormuhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ahaa mid ka mida odayaasha dhaqanka ee rukumada u ah gobolka saaxil, waayihiisi horena waxa uu kamid ahaa Saraakiishii ka hawlgeli jirtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera waxaanu mudo dheer la shaqeynayay shirkadihii duulimaadyada rayidka ah ee Somaliland ka hawlgeli jiray.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH.

COMMENTS
LINKS