|
|||||
WAJAALE NEWS
“Hadii Mar Kale Shirqool Lam.14 Uu Khilaaf Siyaasi Ah Abuurayo Ta Ugu Xumi, Waa Hadii Looga Jeedo In Doorashada Madaxtooyada Aanay Ku Qabsoomin Wakhtigeedii”Siyaasi cali Guray.
December 16, 2021 - Written by Editor:“Hadii Mar Kale Shirqool Lam.14 Uu Khilaaf Siyaasi Ah Abuurayo Ta Ugu Xumi, Waa Hadii Looga Jeedo In Doorashada Madaxtooyada Aanay Ku Qabsoomin Wakhtigeedii” Oo Muddo Kordhin Sharci Darro Ahna Mar Kale Xeerkan Loo Adeegsado” Siyaasi cali Guray. “Madaxwaynuhu xeer meelmaray yacnii dhaqangalay ma soo celin karo haday tahay wadaadku been buu shaagayna odhan maayo balse waxan odhanayaa Madaxwaynuhu wuu soo celin karaa muddo xadidan ka dib. Golihii tegay ayaa maalmihiisii ugu dambeeyay ama ha u kasaan ama yaanay u kasin eh waxkabedel ku sameeyay mudada u hadhsanayd markaa way yarayd. Galdaloolooyinka ku jiray markii uu arkay garyaqaanada xukuunadda ayuu u dhiibay oo ka soo taliyay si la isu waafajiyo doorashooyinka, Guurtida oo 31ka May in la qabto ay tahay, in kasta oo sharcigii lagu dooran lahaaba aanu ilaa maanta jirin, furista ururada oo marka la raaco xeerkan ay tahay in la furo 22ka June oo ah 6 bilood ka hor taariikhda dhicitaanka shahaadadaha sadexdan xisbi iyo ururada buuxiya shuruudaha ururnimada oo la tartami doona sadexdan xisbi. Waxa kale oo iyaduna jirta doorashadii Madaxtooyada oo iyada aanu khusaynin xeer 14 oo aanu dibna uga dhigi karin horena u uga dhigi Karin 13 November. Markaa Madaxwaynuhu waa sax in uu soo celiyo xeerkan sabaha uu ku soo celiyayna waa sax marka dan ummadeed laga talinayo markase muraad kale la leeyahay waa si kale. Markaa guddida uu gudoomiyuhu u saaray ee labada dhinac xal lagu heshiin karo ma laga filayaa? Anigu u malayn maayo waayo daacad lagama wada aha, gaar ahaan xildhibaanada u badan dhinaca taageersan Madaxwaynaha ee hadana ka soo horjeeda taladii saxa ahayd ee Madaxwaynuhu ku dalbaday iswaafajinta iyo sixitaanka qaladada ku jira? Dhinacan marka dambe la soo ciyaarsiiyay lagama yaabo in ay ogol yihiin in cod loo qaado waayo tiro ahaan ma gaadhi karaan 2/3 ay ku diidi karaan soo celinta Madaxwaynaha. Sidaa daraadeed kama fursan doono xalku Maxkamadda Sare. Xeerkan Lam. 14 waa xeer tunka lagu sito oo hadba cid gaar ahna loogu muraad qumiyo cid gaar ahna xaqeeda lagu duudsiyo. Maantana ma tii baa? U malee. Waa sababtii aan hore ugu bixiyay Shirqool Lam.14. Markaa in dalka khilaaf siyaasi ah oo hor leh la geliyo wax ka badan sheegi maayaan kuwa diidan in wax laga saxo hadii ay toodaba noqoto ee yaa gaar ah ee ku dhibqaba? La arki doonee? Hadii mar kale Shirqool Lam.14 uu khilaaf siyaasi ah abuurayo ta ugu xumi waa hadii looga jeedo in doorashada madaxtooyada aanay ku qabsoomin wakhtigeedii ee muddo kordhin sharci darro ah mar kale xeerkan loo adeegsado oo la yidhaa maxay samayn karaan WADDANI Iyo UCID indhahooda oo shan ah ayaa Madaxwaynaha laba sanadood loo kordhin ka dibna musharax kale oo ka heli kara ayuu ku wareejin doonaa riyina ri hirdiyi mayso eh. Markaa taasi ma Ciro iyo Faysal diid baa mise waxa loo fasiran karaa qori-isu-dhiib iyo Garxajis ama Habar Yoonis-diid SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY” Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|