“HADAAN DOOHBA LAY BARIN, DIBSO YAA I ODHAN KARA?CALI GURAY. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“HADAAN DOOHBA LAY BARIN, DIBSO YAA I ODHAN KARA?CALI GURAY.
December 24, 2021 - Written by Editor:

Anigu waxa jira dadka qaar aanan laba qabsan hadii waxay doonaan ay ku hadlaan. Waa kuwa la yidhi “ hadii jaahilku iska aamusi lahaa ummaduba ismay khilaafteen”. Kwo badan ayaa jaahiliin ah oo siyaasadda u yaqaan inay leedahay cadow joogto ah ama saaxiib joogto ah. Waxay la yaabaan marka ay arkaan siyaasi saaxiibkiisii shalay uu noqday cadowgiisa maanta ama Cadawgiisii shalay uu noqday saaxiibkiisa maanta.

Sababtu wax kale maaha siyaasaddu meel ma taagnaato ee way isbedelo badan tahay qofka aan la jaanqaadi Karin isbedbedeka siyaasad wuxu la mid yahay sida geed meel ka baxay geedkuna kama dhaqaaqo halka uu ka baxay xataa hadii uu dufaan ku kaco halis u ah inuu rido oo dhulka dhigo. Mid kabta dhafoorka lagaga hayo oo la quudhsaday ayaa ku faana anigu weligay halkaas uun baan ahaa meel kale ugama dhaqaaqo. Maxaa anigoo xisbi ku jira ama taageersan mid kale taageeradiisa ii gaynaya. Waa runtii waayo isagu wuxu ka mid yahay dadka xisbigu leeyahay ee maaha dadka iyagu xisbiga leh.

Qof shalay musharax xisbi taageeray in uu mar kalena musharax xisbi kale taageeri karaa xisaabta uguma jirto isagu in la quudhsado oo kabta madaxa lagaga hayo raali buu ku yahay. Murti hore ayaa tidhaa halka aad joogto hadii aad isu garan waydo dee iskaga tag ilayn geed ma tihide. Wallee aniga ayaan geed meel ka baxay la iigu soo hagaagin siyaasaduna aniga xagayga waxay leedahay dan joogto ah ee ma laga cadow iyo saaxiib joogta midna. Markaa jaahiliintu weligoodba ha igu wareeraan ma dan baan ka leeyahay dhegba uma dhigo eh

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS