Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xildhibaano Golaha Wakiilada Katirsan Oo Dacwad Ka Dhan Ah Xeer14 Ugudbiyay Maxkamada Sare Ee Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xildhibaano Golaha Wakiilada Katirsan Oo Dacwad Ka Dhan Ah Xeer14 Ugudbiyay Maxkamada Sare Ee Jsl.
December 21, 2021 - Written by Editor:

“Maxkamada Waxaa Xeerkan Loo Gudbin Karaa Hadii Ay Golaha Wakiiladu Kusoo Celiyaan Madaxwaynaha Oo Kaliya, Balse Hada Majiro Sobob Sharci  Oo Maxkamada Sare Loogu Gudbiyaa”Gudoomiye Faysal.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng faysal cali waraabe oo lala yeeshay waraysi ayaa ka waramay doorashada xisbigiisa markii afraad udoortay gudoomiyaha xisbiga iyo waxyaabaha uqorshaysan.

Sidoo kale gudoomiye faysal cali waraabe ayaa wax laga waydiiyay sida uu u arko xildhibaano golaha wakiilada katirsan oo dacwad ka dhan ah xeerka furista ururada ugudbiyay maxkamada sare ee Somaliland!

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa qorsha furista ururada ee xukuumada kazoo qadibayso wakhtigiisa uu yahay shirqool madaxwayne biixi saaxada kaga saarayo xisbigiisa hore loogu guuldaraystay balse hada aanu aqbalayn ayna qaban doonaan shir lagaga tashanayo aayaha Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS