Gudoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Xisbiga Waddani Oo Fariin La Xidhiidha Soo Dhawaynta Musharax Cabdiraxmaan Cirro Udiray Taageerayaasha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Xisbiga Waddani Oo Fariin La Xidhiidha Soo Dhawaynta Musharax Cabdiraxmaan Cirro Udiray Taageerayaasha.
December 22, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Cabdifataax Cali Cabdilaahi Kibaar Gudoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur ee Xisbiga Waddani

Waxa uu Ogaysiinayaa Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani In Barito oo khamiis ah taariikhduna tahay 23/12/2021 sagaalka subaxnimo (9:00) Siweyn loo Soo dhaweynaayo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani.

Hadaba Gudoomiye Cabdifataax Cali Cabdilaahi Kibaar (C/Fataax Gaagaale) waxa uu Ogaysiinayaa Jamaahiirta Taageerayaasha ah Xisbiga Rajjada Shacabka ee Waddani ee kunool Xaafadaha kala duwan ee Degmadda Ibraahim koodbuur inay siweyn uga Qayb qaataan soo dhaweynta Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani.

Kaas oo maalinta barrito ah dalka dib ugu soo laabanaya safaro shaqo uu ugu maqnaa dalalka dibadiisa

Gudoomiyaha Degmada Koodbuur ee Xisbiga Waddani Mr Cabdifataax waxaa uu taageerayaasha xisbiga ku adkaynayaan  inay ilaaliyaan wakhtiga kana soo qab-galaan Soo dhaweynta Oo Aan loo kala hadheyn ee Musharax Madaxweyne Xisbiga Aqlabiyada Shacabka Somaliland Mudane Dr C,raxmaan maxamed C,laahi Cirro.

COMMENTS
LINKS