|
|||||
WAJAALE NEWS
“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waxaanu Usoo Jeedinaynaa In Xeerka Furista Ururrada Siyaasaddu Uu Soo Dhaafo Golahooda, Madaamada Uu Ansax Yahay”Cabdisalaan Yaasiin
December 9, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Siyaasiyiinta la baxay ‘Somaliland jire’ oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Shacabka ku war-geliyey inuu ansax yahay Xeerka Furista Ururrada siyaasadda Somaliland, sidaasi darteed loo baahan yahay inay ka war qabaan. Siyaasiyiintani waxay sheegeen inay Golaha Wakiillada ee cusub uga Mahad-celinayaan in aanay Xeerkaa faro-gelin ku samaynin, taasi oo ka dhigan inuu ansax ku yahay sidii ay ku soo ansixiyeen Golihii Wakiillada ee hore. Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Xubnaha ‘Somaliland jire’ oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada ee gartay in Xeer Num. 14 (Xeerka Furista Ururradu) dhaqan-galay ee sidiisii u daayey, waxay u dhaarteen Dadka iyo Dalka, Bulshaduna ha ogaato in Ururradii siyaasaddu furmayaan.” Xubin kale oo ka mid ah Siyaasiyiinta ‘Somaliland jire’ ayaa isaguna yidhi “Xeer kasta oo aynu dhiganaa waa inuu Dastuurka Waafaqaa, wixii aan Dastuurka waafaqsanayna maaha wax Ummaddu raacayso, markaa Xeerkaa Furista Ururrada ee dhaqan-galay waa xaq ay Bulshadu leedahay.” Xubintani wuxuu si gaar ah farriin ugu diray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaanu u soo jeediyey in Xeerka Furista Ururrada siyaasaddu uu soo dhaafo Golahooda Wakiillada, maaddaama buu yidhi uu ansax yahay.
Related posts:Wasiirka Waxbarashada Jsl Oo Dugsi Waxbarasho Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Qalax Ee Koonfurta Hargaysa... Madaxdhaqameedkii Isku Xil Qaamay Daminta Colaada Magaalada Laascanood Oo Gaadhay Gobolka Sool Iyo N... Mareykanka Oo Shaaciyay Tirada Askarta Lagaga Dilay Weerar Ay Al shabaab Ku Qaaday Xerada Ay Ku Leey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|