|
|||||
WAJAALE NEWS
Gaadhi Sida Raashin Dhacay Lagana Soo Celiyay Itoobiya Oo Mudo 45Cisho Ah Ku Xanibnaa Wajaale Oo Ogolaaday Raashinkii Uu Siday In Dib Loogu Soo Celinayo Somaliland!
December 29, 2021 - Written by Editor:Mamulka Kastamka Wajaale Oo Ku Kacay Arin Halis Ku Ah Caafimaadka shacabka Somaliland Iyo Sobobta keenay In Ay Ogolaadaan in Uu dalka soo galo gaadhi siday Raashin Dhacay Oo laga Soo Celiyay Dalka Itoobiya!! TOG WAJAALE(W,N)-Gaadhi Nooca Qaada Xamuulka Oo Sida Raashin Dhacay Islamarkaana Laga soo celiyay Dalka Itoobiya Oo Mudo 45cisho ah ku Xanibnaa Magaalo xuduudeedka Wajaale Ayaa Lagu Soo Celinayaa Somaliland Raashinkii dhacay ee uu siday kadib markii sida xogaha Aanu ka helaynaa sheegeen In Ay maamulka kastamka wajaale ee wasaarada maaliyadu u ogalaadeen in raashinkaasi dhacay lasoo galiyo Somaliland, Sidoo kale Gaadhi sida raashinka dhacay oo markii hore dalka itoobiya kazoo galay dhinaca dalka jabuuti ismarkaana ay soo celiyaan haayadaha ilaalinta tayada dalka Itoobiya kadib markii ay ogaadeen in uu dhacay raashinka Uu Sidaa, ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in raashinkii dhacay ee uu siday in uu usoo gudbo dhinaca Somaliland, isagoo ogolaasho ka helay maamulka kastamka wajaale kaasi oo halis ku ah caafimaadka dadka reer Somaliland. Dhanka kale Wararka laga helayo gaadhin raashinka dhacay siday oo ah nooca waawayn ee isjiidka ah islamarkaana aan dalka itoobiya uga gudbin dhinaca somaliland ayaa noqonaysa arin halisku ah caafimaadka shacabka reer somaliland oo la doonaya in lagu iibiyo gudaha somaliland iyadoo raashinkan ay leeyihiin ganacsato itoobiyaan ahi. Talaabadan ay ku kaceen maamulka kastamka wasaarada maaliyada ee magaalada wajaale ayaa noqonaysa mid xad gudub ku ah qawaaniinta somaliland iyadoo dhanka kale aanay goobta ay ku ogolaadeen in dalka uu soo galo raashinkani Dhacay aanay joogin haayada dhawrista tayada ee somaliland oo iyadu ah mid fadhiida oo gabtay hawlihii ay qaranka ugu xil saarnayd, xili uu saacadaha soo socda uu kasoo gudbayo xuduudka udhexeeya somaliland iyo itoobiya ee wajaale, iyadoo hada ay ku hawlan yihiin sidii uu ugu soo gudbi lahaa Somaliland. Wixii faah faahin Dheeraada Ee Kasoo kordha kala soco Wararkeena Danbe. WAJAALENEWS DESK TOG WAJAALE OFFICE,
Related posts:Bandhiga Buuga "Waad Riyootee Runtu Waa Maxay" Oo Kulmiyay Badi Haldoorka Somaliland Iyo Weedhihii L... DAAWO;Badhasaabka Gobolka Awdal Ayaa Waramay Kulan Uu La Qaatay Safiirka Dalka Itoobiya U fadhiya So... DAAWO;-Waraysi Xasaasiya Oo La Layeeshay Qoraa Cali Qoryoolay Iyo Eedo Isbarkan Oo Uu Ujeediyay Xuku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|